Shirka Garoowe Iyo Shakiga Dowlada…

Politics

Maamulka Villa Somalia ayaa Shaki iyo walbahaar badan ka muujiyay Kulanka loo balansan yahay iyo natiijada wadatashiga Puntland ee maalinta berito ah ka furmaya magaalada Garoowe….

Kulankaan ayaala filayaa iney isugu soo baxaan saamileyda siyaasadeed ee maamulka Puntland, iyadoo lagu wado in intiisa badan diirada lagu saarayaa ayaaha Puntland iyo khilaafka maamulkaas kala dhaxeeyo Dowladda Federaalka iyo sida ugu haboon ee lagu sii wada socon karo.

Lama filaan ayay noqotay markii Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka ay Garowe u tageen ka qeyb galka shirkaas,waxayna taas muujineysa sida shirkan ugu dhan yihiin dhammaan dadka siyaasadda Dowladda dhexe ku metala Puntland mucaarad iyo muxaafad.

Dhinaca kale, Maamulka Villa Somalia ayaa geed gaaban iyo mid dheer a u jirtay sidii ugu yaraan loo hakin lahaa ama loo joojin lahaa shirkaas, Nasiib darro uma suurta gelin,waxaana magaalada Garowe laga dareemayaa qabanQaarada ugu dambeysay ee shirkasasi.

Balse, shirkaan dareen ayaa ku xeeraan, dareenkaas oo ah Hadba sida loo maamulo, qaar kamid aha siyaasiyiinta Puntland ayaa qaba in guddiga qaban qaabadu uu shirka ku casuumay dad firkir ahaaan aaminsan in lasiii kala fogaado.

Axmed Ciise Cawad oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda kana mid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda Puntland ayaa durbadiiba bilaabay in uu dhaliilo shirka Garowe, wuxuu ugu baaqay Madaxda Puntland in ahmiyad siiyaan danaha shacabka Puntland shirkanna uusan noqon mid lagu mucaarado oo kaliya dowladda Federaalka ah, balse uu noqdo shir looga hadlo sidii loo horumarin lahaa bulshada iyo dowladda Puntland.

22030cookie-checkShirka Garoowe Iyo Shakiga Dowlada…