Kenya Oo Qorsheyneysa iney Qaado Xayiraadaha Socdaalka ayna Africa u Fureyso…

Africa News

Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ayaa sheegaya in Maamulka Ruto uu Qorsheynaayo iney qaado xayiraadaha shuruudaha dal ku galka dhammaan Dadka Afrikaanka ah ee dalkan soo booqanaya marka la gaaro dhamaadka sanadkaan…

Socdaalka Dal ku gal la’aanta ee Qaaradda ayaa ahaa yoolka Midowga Afrika (AU) tobankii sano ee la soo dhaafay, iyadoo riyadaasi ay hirgeliyeen kaliyah Dalalka Seychelles, Gambia iyo Benin halka inta kale ay weli wadaan xayiraadaha Dadka Africa u dhashay.

Laakiin marka loo eego Tusaha Furitaanka Dal-ku-galka Afrika oo cabbiraya heerka uu Dal kasta oo Afrika ku yaala u furan yahay dadka ka imanaya Waddamada kale ee Afrika – kuwaasoo intooda badani waxa ay horumar ka samaynayaan fududaynta hababka gelitaanka oo ay xannibaadyo ku soo rogaan Dalalka kale qaarkood.

Sannadkii 2022, Dalka Kenya waxa ay gashay kaalinta 31-aad marka loo eego 54 Africa, mar sii horeysay ayey ahayd markii Madaxweynaha Kenya uu sheegay in Kenya ay caalamka oo dhan u ogalaan doonto inay dalkiisa kusoo galaan Fiisa la’aan.

284970cookie-checkKenya Oo Qorsheyneysa iney Qaado Xayiraadaha Socdaalka ayna Africa u Fureyso…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com