Shirkad Turki Ah Oo Qandaraas La Siiyay..

Somalia news

Warbixino laga helay ilo wareedyo ayaa tilmaamaya in Qulqulka Hubka Ee Somalia uu aad u kordhay wixii ka dambeeyay markii uu talada Dalka la wareegay Maamulka Farmaajo, isagoo Dowlada dano Siyaasadeed iyo dagaal ka dhaxeeyo dalal shisheeye (Masar vs Ethiopia) uu xiriiro kala duwan la yeeshay, kuwaasoo ku kaalmeeyay hub iyo Dhaqaale, isla markaasna uu qabdaraas siiyay Shirkad Turki ah….

Warbixinta ayaa toosh ku ifisay In Maamulka Villa Somalia, Hubkii loogu talo galay in lagula dagaalo Kooxaha argagixisada ayuu u weeciyay Maamulada Gobolada ee ka aragtida duwan iyo Xisbiyada Mucaaradka, Waxaana lagu tuhmayaa inuu xiriiro wada shaqeyn la leeyahay Kooxaha argagixisada, isagoo fulinta howshaasi u xil saartay Horjoogayaasha Fahad Yasin (Agaasimaha NISA) Cabdullaahi Kulane ( Jiis-Mareexaan (Madaxa Shaqaalaha NISA)iyo Cabdirisaaq Muxumed Haagi (Madaxa Howlgalada Khaaska ah ee NISA).

FILE – In this Dec. 17, 2012, file photo, Syrian rebels attend a training session in Maaret Ikhwan near Idlib, Syria. Fewer than 100 Syrian rebels are currently being trained by the U.S. military to fight the Islamic State group, a tiny total for a sputtering program with a stated goal of producing 5,400 fighters a year. The training effort is moving so slowly that critics question whether it can produce enough capable fighters quickly enough to make a difference. Military officials said this past week that they still hope for 3,000 by year’s end. Privately, they acknowledge the trend is moving in the wrong direction. (AP Photo/Muhammed Muheisen, File)

Macluumaadkaan si toos farta loogu fiiqay Shirkadda SADAT Oo ah Shirkad maamusha, Kumanaan Ciidamo calooshood u shaqeysayaal ah kana dagaalama Dalalka Siria iyo Libiya, ayaa Maamulka Farmaajo Qandaraas ku siiyay sidii ay Shirkadaan uga qeyb qaadan laheyd dhinacyada Tababarada iyo dagaalada.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Shirkaddaan sidoo kale qandaraas lagu siiyay Ilaalinta Dhismaha wadada Muqdisho-Afgooye oo muddo 5-bilood ah hakad ku jirta, waxaana lagu wadaa in dhowaan ay Dalka soo geliyaan 400-500 oo Ciidamo qandaraaslayaal ah.

39660cookie-checkShirkad Turki Ah Oo Qandaraas La Siiyay..