Maxay tahay Sababta DFS ku Diidan Tahay Iney la Tashato Dowlad Goboleedyada?

Somalia news


Waxaa si weyn isu soo taraya baaqyada loo jeedinaayo Dowladda Federaalka inay wadatashi la samayso Dowlad goboleedyada dalka ka jira, si loo qabto doorasho loo dhan yahay, amni ah, laguna wada qanacsan yahay, Laakiin Nasiib darro Maamulka Farmaajo baaqyadaasi ilaa haatan kama jawaabin….

Xiligii xafiiska loo idmadey Golayaasha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha waxaa ka harsan bilo yar, muddo sanad ka hor ah ayaa isugu dambeysay shir ay isugu yimaadaan Dowlad goboleedyada iyo Dowladda federaalka kaasoo fashil ku dhamaadey, kadib markii Dowaldda federaalka ah si cad u diidey soo celinta Golihii wadatashiga ee Madasha Qaranka, sidoo kale ay diidey in wadatashi laga yeesho Sharciga Doorashooyinka oo markaas Baarlamaanka yaaley.

Labadii shir ee u dambeeyay ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ka yeesho Soomaaliya waxay si weyn uga hadleen in Dowladda Federaalka ah qaadato door Mas’uuliyadeed oo wada hadal degdeg ah isugu keento Dowlad Goboleedyada si dalka loogu diyaariyo in doorashooyin ka dhacaan.

Ilaa hadda Dowaldda federaalku dheg jalaq uma siin baaqyada loo dirayo, waxay si toos ah u wadaa maamulida iyo diyaarinta arrimaha doorashooyinka.

Dowladda federaalku waxay dooneysaa;

  • In Dowlad goboleedyadu aysan wax awood ah ku yeelan habka siyaasadeed ee Doorashooyinka Qaranka.
  • Dowladda Federaalka ayaa dooneysa in Golayaasha Baarlamaanku ay arrimahan go’aan ka gaaraan oo dejiyaan iyada oo sheegaysa in ay raaceyso dastuurka kumeel-gaarkam ah.

Maxay tahay labadan arrimood danta ugu jirta Madaxweynaha iyo in badan oo kamid ah Goloyaasha Baarlamaanka, waa wax la fahmi karo waxaana ay isku dayeysaa, Wakhti dheeraad ah hesho isku daydo in ay Injineer ka noqoto habraaca doorashooyinka.

Haddaba markasta oo Dowladda Federaalku ay dib u sii dhigto in ay qaadato mas’uuliyadeeda ku aadan wada hadal la furto Dowlad goboleedyada dalka ka jira, waa markasta oo xiliga doorashadu dib u sii dhacayo.

Doorasho ma dhici karto iyada oo Dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyadu aaney heshiis ka ahayn sidaas darteed waxay ciyaarayaan kaarka ku darsiga taasoo iyaga ay u tahay mid horseedi karta colaado.

Haddaba su’aasha ayaa ah Degaanadee Ayeey Dowladda Federaalka ah doorashada ku qaban doontaa, haddii aysan wada hadal degdeg ah la furin Dowlad gobleedyada, furid la’aanta wada hadalka Dowlad goboleedyada ayaa muujinaya in Dowaldda federaalku aysan dooneyn in ay qabato doorasho xiligeedi ku dhacda, balse ay muddo kororsi (Gaaban/Dheer) ay qorsheysatay.

Dhanka kale waxaa muuqata kala qaybsanaan weyn oo u dhexeysa Dowlad goboleedyada oo ku aadan siyaasadda dalka, haddii uu jiri lahaa culeys ay leeyihiin waa muuqan lahayd, waxaana meesha ka baxay iskaashigii Dowlad Goboleedyadu ay lahaan jireen, tan oo fursad kale Dowladda u siisey iney u dhaqmaan sidii ay doonaan.

39710cookie-checkMaxay tahay Sababta DFS ku Diidan Tahay Iney la Tashato Dowlad Goboleedyada?