Shirqool Dil Oo uu Ka Badbaaday Wasiirka Amniga Galmudug

Somalia news

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga soo sheegaya In Wasiirka Amniga Dowlad goboleedka Galmudug uu ka badbaaday isku day dil kadib markii la damcay in gaarigiisa lagu xiro walxaha qarxa…

Wararka ayaa sheegaya in Mr.Fiqi Oo 3-maalmood ee ugu dambeeyay uu ku sugnaa Konfurta Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, halkaasoo uu ka waday Howlgalo Sufi’s amni, hubka iyo Maleeshiyaadka looga uruurinaayay, hase yeeshee uu sheegay in la qabtay Miino ku dhejiska ah oo la qorsheeyay in gaariga Wasiirka lagu xiro.

Wasiirka ayaa sheegay In Howlgalo kadib ay ku guuleysteen iney ogaadaan Shaqsiga ka dambeeyay falalka argagixisada kaasoo lagu magacaabo Aweys Macallin Maxamed Xasan Oo ka ganacsan jiray Biyaha, wuxuuna Baarayaasha u sheegay in Horjoogaha Qeybta Gobolka Mudug u qaabilsanaa laguna magacaabi jiray Maxamed Xasan Faarax oo alias Xuseen kana soo jeeday Magaalada Laas caanood, isagoo lagu dilay howlgalo ay qaadeen Ciidamada Dowlada.

40210cookie-checkShirqool Dil Oo uu Ka Badbaaday Wasiirka Amniga Galmudug