Shixnado Hub Ah Oo La Qabtay..

Politics

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Addis Abeba ee Dalka Ethiopia ayaa sheegaya in Saraakiisha Amaanka ayaa howlgal ay qaadeen ku soo qabteen koonteenar uu ka buuxo hub sharci darro ah oo lasoo marsiiyay dhinaca dekedda Jabuuti…

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegtay inay rumeysan yihiin in hubkan laga soo dhoofiyay dhinaca Turkiga isla markaana ay Ethiopia soo geliyeen kooxo caalami ah oo ka ganacsato hubka sharci darrada ah, sida laga soo xigtay Laamaha Amaanka dalkaasi.

Hubkan ayaa qiimahiisa lagu qiyaasay 13-million US$, waxaana ku jiray ilaa 18,000 kun oo bastooladood, waxay ka dhawaajiyeen inay qabteen 24 qof oo looga shakisan yahay hubka, labo kamid ah dadkaas waxay u dhasheen dalka Suudaan.

Laamaha Amaanka ayaa sheegay iney weli wadaan Baarista la xiriirta hubkaan iyo halka loo waday, iyagoo ka cabsi qaba in hubkaan oo ganacsi ahaa iyo in kooxo lagu abaabulaayay si ay Nidaamka Oromada si awood ah talada Dalka uvula wareegaan.

21630cookie-checkShixnado Hub Ah Oo La Qabtay..