Maxaa Sababay Baaqashada Safarka Saraakiisha USA Embassy ee Magaalada Boosaaso…

Somalia news U.S.

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Safar shaqo oo ay Saraakiil ka tirsan Safaarada USA ee Somalia ku tegi lahaayeen Magaalada Boosaaso si ay kulamo ula yeeshaan Madaxda Maamulka Puntland, Hogaanka PSF, Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka Degaanka kaasoo baaqday kadib markii la isku fahmi waayay Hab-maamuska…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in iyadoo laga duulaayo Kulankii Nairobi ku dhex maray Hogaamiyaha Maamulka Puntland iyo U qeybsamaha Arrimaha Siyaasada ee Safaarada USA ee Mogadishu, kaasoo lagu heshiiyay in USA ay dib u howlgeliso Hey’adda PSF isla markaasna ay ergo xaqiiqo raadin ah u dirto magaalada Bosaso si loo bilaabo Howlgaladii hakadka ku jiray sanadihii ugu dambeeyay ee lagu baacsanaayay Kooxaha Argagixisada.

Hadaba Maxaa Dhacay!?

Ergada USA ayaa xiriir toos ah la sameysay Hogaanka PSF si ay Amaankooda u sugaan inta ay ku sugan yihiin magaalada Boosaaso, isla markaasna ku wehliyaan goobaha ay booqanayaan sida Dekeda iyo qeybo ka tirsan Magaalada iyo duleedkeeda, Hey’adaan oo ka madaxbanaan Maamulka Puntland, talaabadaan ayaa waxaa ka carooday Maamulka Puntland.

Waxeyna ku wargaliyeen in Ergada tagistooda magaalada Boosaaso la baajiyo, Maamulka Deni ayaa la xaqiijiyay inuu diyaariyay in Amaanka Saraakiisha Safaarada USA ee Mogadishu ay sugaan Xoogaga PMPF oo aad u taageersan Maamulkiisa, khilaafkaan cusub ayaa la sheegay inuu sii xoojin doono xiriirka hoose ee Deni kala dhaxeeya Howlwadeenada Sarfaarada USA ee Somalia.

324230cookie-checkMaxaa Sababay Baaqashada Safarka Saraakiisha USA Embassy ee Magaalada Boosaaso…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *