Sirdoonada Reer Galbeedka & kuwa Carabta Oo Somalia Weydistay Xogaha Argagixisada…

Security Somalia news

Macluumaad sirdoon ayaa daaha ka rogaaya in tiro Badan Saraakiil Sirdoon oo kuwa Reer Galbeedka iyo Carabta ayaa Dowlada Somalia weydistay Xogo dheeraad ah oo la xiriirta Ajaaniibta kooxda Argagixisada Daacishta ee lagu dilay Dagaalka Buuraha Calmiskaad iyo kuwa Dukumentiyadooda safarka la qabtay…

Xuuraankaan ayaa soo baxay kadib markii Ciidamada Cirka Ee USA ay duqeyn ka geysteen Togagga Buur & Bacaad iyo Baalade oo ka mid ah goobaha duqaymaha xooggan lagula beegsaday Maleeshiyaadka Daacishta, iyadoo ka sokow Meydadka iyo hubka loogu tegey, waxaa ciidamadu ku soo bandhigeen macluumaadka Dukumentiyo safar (Passports) ee tiro kamid ah Ajaaniibta u dagaalamaysay kooxda Daacish.

Wararka ayaa sheegaya in Baasaboorada la soo bandhigay ay dhamaantood ahaayeen kuwa ajaaniib ah kana soo kala jeeda 11-Dal oo kala ah Argentina, Bahrain, Bangaladesh, Saudi Arabia, Lebnan, Marocco, Tunisia, South Africa, Tanzania, Kenya & Germany, iyadoo Horjoogayaasha Daacishta la sheegay iney ka uruuriyeen Baasaboorada Dagaalamayaasha Muhaajiriinta ah si aysan ugu suurta gelin inay dib ugu laabtaan dalalkooda isla markaana loogu sii hayo buuraleeyda Cal-miskaad oo ay haatan gabaabsi ku yihiin.

Ilo wareedyo loo qaateen ayaa sheegay in Saraakiil Sirdoon oo ka kala socota Dalalka Boqortooyooyinka UK & Morocco ay gaareen magaalada Boosaaso, waxeyna ku biireen Saraakiisha FBI-da USA oo horey halkaasi u gaaray si sampalo dhiigag iyo tin ah la helay Baaris loogu sameeyo si loo ogaado Meydadka halka ay ka soo jeedaan

365630cookie-checkSirdoonada Reer Galbeedka & kuwa Carabta Oo Somalia Weydistay Xogaha Argagixisada…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *