Dagaal Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Degaano hoose Taga Gobolka Mudug..

Somalia news

Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga gelayaa Dagaal Muddo maalmo ah socday oo geystay Khasaare badan oo Nafeed, iyadoo Ciidamada Dowladda looga qabsaday Gaadiid Gaashaaman oo uu Turkiga ugu deeqay, xilli Dowlada Federaalka iyo Maamulka Galmudug ay wadaan abaabulka dib u bilaabista Wajiga 2-aad..

Wararka ayaa sheegay in Xiisad colaadeed oo ka taagan degaanka Camaara ee Gobolka Mudug oo maalintii labaad galay ayaa waxaa ka soo baxaya khasaare nafeed oo soo by kala gaaray Ciidamada iyo Xoogaga Degaanka oo dhinac ah & Maleeshiyaadka Kooxda Argagixisada Shababka.

Ilo Wareedyo Degaanka ah ayaa ku soo sheegay in dagaal culus oo Isniin ah dhacay, iyadoo kooxaha Argagixisada kaga soo qaadeen Weerar 2-3 jiho ka soo, fariisimada Ciidamada Dowlada, Nasiib darrose, waxaa la sheegay Dhimashada tiro dhowr ah oo la la’aa tan iyo maalintii hore.

Saraakiisha Howlgelinta Ciidamada Dowlada iyo Galmudug ayaa lagu eedeeyay ineysan dejin qorshe dagaal gelin oo cad, waxeyna u dhaqmayaan sidii Maleeshiyo beeleedyada, taasoo ay Khabiirada arrimaha Ciidamada sheegeen iney sii kordhineyso khasaaraha dagaalka.

295730cookie-checkDagaal Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Degaano hoose Taga Gobolka Mudug..