Sirdoonka Somalia Oo Lumiyay Kalsoonidii..

Politics

Inta badan Saraakiisha Sirdoonada ee Saaxiibada Somalia ayaa in muddo ah hoos u dhigay in iskaashi iyo Macluumaadyada xasaasiga ah ay la wadaagaan Hogaanka NISA ee Muqdisho…

Warbixino in muddo ah ay is-dhaafsanayeen Saraakiisha Sirdoonka ee ka howlgala Xarunta Xalane ayaa la sheegay iney sheegeen in Xarunta NISA ay noqotay God halaqyo galeen ah, kadib markii ay isku dhex milmeen Shabaabka iyo Saraakiisha Hey’adda, iyadoo cadaadisyo badan oo la saaray Maamulka Farmaajo uu ku soo dhamaaday Fashil.

Khubarada Arrimaha Amaanka Iyo Nabadgelyada ayaa rumeysan in is-dhex galka Kooxda Shabaabka iyo Guud ahaan Laamaha Amaanka ay carqalad ku tahay in la ciribtiro Kooxda Argagixisada, waxeyna talaabo I ay wiiqeysaa dadaalada Caalamiga ah ee lagu doonaayo in lagu tirtiro kooxda.

Hey’adda NISA iyo Boliiska Gobolka Benadir ayaa la sheegay iney soo dhoweysteen dagaaalamayaal badan oo Shababka ka tirsan, taasoo bar-madow ku noqoneysa Shaqada Hey’addaha Amaanka iyo hadii Iskaashi caalami ah oo taageera ay heli lahaayeen, Saraakiisha Saaxiibada Somalia ayaa si hoose u sheegay iney is-dhexgalkaan uu u fududeeyay Horjoogayaasha Kooxda Shabaabka iney si fudud ku helaan xogo muhiim ah oo ay ku duulaan tegi karaan.

Waxaana intaasi wehlisa In Macluumaad qarsoodi ah sida Dhaqdhaqaaqyada Ganacsatada iyo badeecadaha loo gudbiyo si Canshuuraad (Baad) uga qaadaan Ganacsatada gaar ahaan Dekada Muqdisho, iyadoo xiligaan Kooxda ah dhaqaale badan ka helaan si ay u sii wadaan dagaalada iyo dhibaateynta Shacbiga Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii tirada dhabta ah ee xubnaha Maleeshiyaadka (Shabaabka) xiriirka la leh kooxda Argagixisada ee Al-qaa’ida ayaa lagu qiyaasaa iney gaarayaan ilaa 6000- maleeshiyo, waxeyna badankoodu ku sugan yihiin degaanada miyiga ah ee bartamaha iyo Konfurta Somalia.

18550cookie-checkSirdoonka Somalia Oo Lumiyay Kalsoonidii..