Xog:-Maxay tahay Sababta Madaxweynaha u Baajiyey Safarkii Sucuudiga 

Somalia news

Dib u dhac ayaa ku ku yimid Sida qorshuhu ahaa Safar la filaayay inuu Shalay ugu dhoofo Madaxweynaha Somalia Dalka Boqortooyada Sucuudiga, sida ay ilo xog-ogaal ah u sheegeen Warsidaha Diinah.com news, Wuxuuna baajiyey safarkaas kadib saddex todobaad mashquul ah oo sugaya..

Todobaadyo mashquul ah

Madaxweynaha ayaa horyaala shaqooyin ay ka mid yihiin safaro ilaa labo ah, waxaa ugu horeeya 13-ka Bishan Xaflada dhaarinta Madaxweynaha cusub ee Kenya W.Ruto, waxayna u badan tahay in kulan doceed ay halkaas kuwada yeeshaan Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed oo xiriir wanaagsan aanu u bilaaban kadib doorashadii May 15 2022.

Sidoo kale Madaxweynaha waxaa sugaya safar dheer oo uu ku tegaayo magaalada New York oo uu ka furmaayo shirka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey, kaasoo si toos ah u furmaaya 20-23 bishan, laakiin ay u badan tahay in Madaxweynuhu uu gaaro halkaas 18 Siteembar.

Booqashada Madaxweynaha ee Sacudiga ayaa macne badan ugu fadhidey, waxaana baajiyey todobaadka mashquulka ah ee uu wajahayo, waxaa uu sidoo kale casumaad ka haystaa dalka Qatar, taas oo Madaxweynuhu aanu weli ka jawaabin.

Magacaabidda Hogaamada Amniga

Madaxweynaha ayaa si weyn ugu mashquulsan in uu magacaabo saraakiisha amniga qaarkood sida Booliska iyo Asluubta iyo ku-xigeenadooda, taas oo aan weli ka soo dhamaan, mana cadda in uu ku dhawaaqi doono ka hor safarkiisa iyo in uu dib u dhigaayo.

212500cookie-checkXog:-Maxay tahay Sababta Madaxweynaha u Baajiyey Safarkii Sucuudiga 
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com