Sirdoonka UK Oo Lagu Eedeeyay Marin-hababinta Baaris Socotay

World

Warbixino hordhac ah oo la helay ayaa tilmaamaya in 3-Sarkaal oo ka tirsan Sirdoinka Dibeda Ee UK (MI6), lagu helay iney marin-habaabiyeen baaris lagu hayay shaqsi u dhashay Dalka Kenya, isagoo lagu tuhmaayay inuu xiriir la leeyahay Kooxaha argagixisada Shababka…

Bishii November 2010, ayaa Jasiirada Paté’ waxaana Boliiska Kenya ku xireen Mr.Micheal Adebolajo iyo 5- xubnood, waxaana lagu Eedeeyay iney Qorsheynayeen iney u safraan konfurta Somalia, si ay ugu biiraan Kooxda argagixisada Shababka, iyadoo xogtaasi ay bixiyeen Saraakiil ka tirsan Sirdoonka UK.

Howlgalkaan ayaa ahaa mid ka bilwaaday Jasiiradaasi, wuxuuna ku soo dhamaaday Maxkamadaha Magaalada London, iyadoo uu saameeyay dilka Askari ka tirsan Xoogaga Amaanka UK oo lagu dilay Magaalada London, iyadoo baarista ay iska kaashadeen Sirdoonada UK (MI5-MI6).

Dowladda UK iyo Hey’adaha Sirdoonada ayaa horey u beeniyay iney ku lug lahaayeen Xariga iyo Su’aalo weydiinta Mr.Micheal, kaasoo la xaqiijiyay in lagu xadgudbay xuquuqdiisa, si kasbtaba Xafiiska UK Ee Nairobi wuxuu farageliyay in MrAdebolajo lagu celiyay Magaalada London si ay uga badbaadiyaan in lagu eedeeyo Dembiyada argagixisada.

Markii uu dib ugu laabtay Magaalada London ayaa Mr.Adebolajo wuxuu ku Eedeeyay 3-Saraakiil iney ku xadgudbeen xuquuqdiisa si been abuur ah ugu eedeeyeen inuu ka tirsan yahay Kooxaha argagixisada Shababka, waxeyna isaga iyo mataankiisa ku beegsadeen Fusilier Lee Rigby konfurta London kuna Dilay Faas oo ka tirsanaa Sirdoonka UK.

72740cookie-checkSirdoonka UK Oo Lagu Eedeeyay Marin-hababinta Baaris Socotay