Baco Berkado Loo Ekeysiyay Oo La Burburiyay

Somalia news

Wararka hordhaca ayaa sheegay in howgalo ay fuliyeen Xoogaga Amaanka maamulka Galmudug ayaa lagu burburiyay baco barkado loo ekaysiiyey oo xiisad ka abuurey miyiga u dhaxeeya degaannada Baxdogaabo iyo laasbuur ee gobolka Galgaduud…

Howlgalkaan oo ay horkacaayeen Xildhibaano, Wasiiro hore, Gudoomiye xigeennada gobolka Mudug, maamulka degmada Cadaado iyo saraakiil ciidan oo halkaasi tegay ayaa ka qeyb qaatay burburinta bacaha berkedaha loo ekaysiiyey ee laga hirgeliyey deegaamadaasi.

Saraakiisha ayaa sheegay inaysan ogolaan doonin dadka ku nool degaanada Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug colaad laga dhex abuuro, waxaana ay ugu baaqeen Ciidamada Ammaanka inay tallaabo ka qaadaan, Tuulooyinka Baxdogaabo iyo laasbuur ee gobolka Galgaduud ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka taagneyd xiisad dagaal oo u dhaxeysa laba Beelood, kuwaasoo isku heystay Bacaha loo ekeeysiiyay Barkadaha.

72700cookie-checkBaco Berkado Loo Ekeysiyay Oo La Burburiyay