Siyaasadaha & Danaha Iska Soo Horjeeda Miyeey Caqabado ku Noqon Karaan Wadahadalada uu Ku Baaqay Deni..

Politics Somalia news

Todobaadyadii ugu dambeeyay waxaa soo shaac baxaayay in Siyaasadaha iyo Danaha iska soo horjeeda ay xagal daacin karaan Wadahadalada uu ku baaqay Madaxweynaha Puntland inuu la galaayo Dowlada Federaalka oo muddo 2-sano iyo bar khilaafyo jira awgeed uga maqnaa Golaha Wadashiga Qaran (TCC) kuna riixday Maamulka Puntland Go’doon iyo gooni socod…

Xudunta Khilaafka (Special Arrangement)

Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa ku baaqay inuu diyaar u yahay inuu wadahadal la yeeshaan Dowladda Federaalka, Wuxuuna soo jeediyay in Soomaalidu ka noqoto wadahaddalada dhexdhexaadiyayaal, Deni miyuu Diyaar u yahay in tusaale Madaxweyne Laftagareen noqdo dhexdhexaadiye inkastoo uu  Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu Garoowe dhexdeeda ugu baaqay Deni inuu oggolaado wax ka beddelista Dastuurka Federaalka.

Mr.Deni ayaa doonaya in Maamulkiisa loo oggolaado Deeqaha la siiyo (Special Arrangement) sida Somaliland loogu oggolaaday Sanadkii 2013-kii markii laga baxay KMG Dowlada Federaalka, iyadoo heshiiskaasi uu si gaar wax wax loo siiyo Maamulka Somaliland isla markaasna Dastuurka Federaalka la dhameystiro loona daayo Howshaasi Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, waxaa kaloo heshiiskaasi ku jira in Deeqaha Maamulka Puntland loo soo marsiiyo Dowlada Federaalka.

Dhinaca kale siyaasadda Maamulka Deni waxay sababtay in Puntland bannaanka ka taagan tahay dadaallada Somalia lagu siinayo deeqo horumarineed, Guddiga Maamulka Maaliyadda (Financial Governance Committee) oo ka kooban Dowladda Federaalka, Bangiga Adduunka, Bangiga Horumarinta Afrika, Dalalka Deeqbixyayaasha, iyo Sanduuqa Lacagta Adduunka, ayaa faray Maamulka Puntland inay soo gudbiso dhaqaalaha ka soo gala shatiyada kalluumeysiga iyo dakhliga Canshuuraha Garoomada Doyaaradaha iyo Dekedaha, ku darsoo Mr.Deni waxaa dabar ku xiray inuu dhowri waayo ama u hoggaansami waayo Heshiisiyadii hore Maanuladii ka horeeyay la galeen Dowladda Federaalka taasi ayaana dhibaato ku ah Mr.Deni inuu ka garnaqsado Dowlada Federaalka.

Magacaabista Mucaaradka Puntland ee Xilalka Federaalka.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka ayaa magacaabay Laba La-Taliye Sare (Axmed Jaamac Maxamed Cillal iyo Cabdisamad Maxamed Gallan) oo kaalin weyn ka qaadan doona hirgelinta qorsheyaasha muhiimka ah ee dowladnimada, Dimuqraadiyadda, iyo Federaalka halka Maanta la filaayo in Taliyaha Ciidamada Boliiska loo magacaabo Asad Cusmaan, Magacaabistaan ayaa ku aaday iyadoo Mr.Deni ay culeys ku saareen Saaxiibada Somalia inuu dib u soo celiyay xiriirkii wada shaqryneyd ee kala dhaxeeyay Dowlada Federaalka.

Maamulka Deni ee Puntland ayaa Sidoo kale Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ka codsaday in Somalia lagu soo rogo Cunaqabateynta Hubka, kadib markii todobaadkii tagay ay 2-Gaari oo Hub iyo rasaas isugu jira ka heleen Ethiopia isla matkaasna ku sheegeen iney Gaadiidkaasi Baradho sideen halka ay farta ku fiiqeen shixnada Hubka & Rasaasta ee Egypt ugu deeqday Somalia uu sharci darro yahay.

344520cookie-checkSiyaasadaha & Danaha Iska Soo Horjeeda Miyeey Caqabado ku Noqon Karaan Wadahadalada uu Ku Baaqay Deni..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *