Dagaal Dib Uga Qarxay Konfurta Gobolka Mudug

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala ayaa mar kale dib uga bilaawday degaanada hoos taga konfurta Gobolka Mudug, dagaalkaan ayaa u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo Koox ka tirsan Maleeshiyaadka kooxda Shababka…

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaan ay qaadeen Ciidamada Dowladda, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo Maleeshiyaad abaabulan, iyadoo Ciidamada USA ay dhinaca Cirka, (Drones) kuwaasoo Duqeyn u geystay fariisimada (Qeycad) Kooxda argagixisada Shababka, weerarkaan ayaa yimid kadib markii muddo maalmo dhowr ah ay xaalada degaanka degeneyd.

Weerarkaan ayaa la sheegay inuusan wax horumar ah sameymin, kadib markii ay la kulmeen Difaaca adag, taasoo Ciidamada ku qasabtay iney dib ugu laabtaan fariisimihii ay ka soo duuleen, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha kala gaaray labada dhinac, mana jiro Warar Madax banaan oo Dagaalka Maanta laga helay.

132510cookie-checkDagaal Dib Uga Qarxay Konfurta Gobolka Mudug