Somalia & Qaramada Midoobay oo Bilaabay Wada-hadallada Kala-guurka ah..

Somalia news

Tallaabo lagu xoojinayo wada hadalka & wada shaqeynta Dowlada Federaalka iyo Qaramada Midoobay ayaa u bilaawday, waxaana talaabadaan ku soo beegmeysaa xilli Dowlada Federaalka ay dalbatay in laga gudbo howlgal siyaasadeed oo gaar ah, laguna hormarinayo mustaqbalka Dalka…

Tallaabadan muhiimka ah, ee looga gol leeyahay in lagu kobciyo wada-shaqeyn ballaaran iyo horumarinta madax-bannaanida Qaranka, ayaa lagu sheegay astaan ​​ weji cusub oo ay Somalia u gelayso xasillooni iyo horumarka, Wada-xaajoodyadan oo soo billowday dhawaan, ayaa lagu wadaa inay sii xoogeystaan ​​toddobaadyada soo socda, iyadoo ujeeddadu tahay in la dejiyo jadwal dhamaystiran.

Guddiga farsamo ee Somalis oo ay xubno ka yihiin Mas’uulyiin ka socota Xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha, Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Amniga Qaranka, waxaa hoggaaminyay Danjire Yusuf Garaad Cumar, dhinaca UNSOM, inkastaoo Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud, Danjire James Swan uu khadka telefoonka New York uga qeyb galay, waxaa Hoggaamiayay George Conway oo ah ku Xigeenka Eregyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay.

Tallaabadani waxay astaan u tahay horumarka ay gaartay Dowladnimada Soomaaliya, iyada oo sannadka soo socda ee 2025 ay Somalia xubin ka noqon doonto Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

333110cookie-checkSomalia & Qaramada Midoobay oo Bilaabay Wada-hadallada Kala-guurka ah..