Diyaarado Drones Ah Oo Lagu Qabtay Magaalada Mogadishu

Somalia news

Ciidamada Amaanka ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa ku qabtay sanaadiiq ay ku jiraan diyaarado Drones ah, kuwaasoo si qarsoodi ah Dalka lagu soo geliyay, iyadoo laga soo Iibiyay Dalka Turkiga, waxaana la socday 2-Nin Oo Farsamo yaqaano ah..

Xogta ayaa xaqiijisay in diyaaradaha Drones-ka ah 6-Diyaaradood Oo furfuran, iyadoo wararku intaasi raaciyeen in Labada qof ee Turkish-ka ayaa lasii daayey kadib markii ay soo faro-gelisay safaaradda Turkish-ka, oo dalbatay in la fasaxo haddii aan lagu hayn caddeymo la xiriira iney iyagu leeyihiin.

Xogta aan helnay ayaa intaas ku dareysa in diyaaradaha uu sheegtay inuu leeyahay Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, oo ku dooday inuu u keensaday inuu u adeegsado inay waraabiyaan beero ku yaalla Puntland. Zakariye ayaa la filayaa inuu faah-faahiyo kiiska Drones-kaan.

Maamulka Puntland oo dhinaca kale qoraal soo saaray ayaa sheegay inaan diyaaradahan loo keeni karin, Iyagoo welwel xoogan ka muujiyay in Xildhibaan uu ku sheegto inuu soo iibsaday Diyaaradaan, Warar kale ayaa sheegaya in Diyaaradahaan loo waday Dalalka Ethiopia ama Eritrea.

149330cookie-checkDiyaarado Drones Ah Oo Lagu Qabtay Magaalada Mogadishu