Somalia & Uganda oo Ku Heshiiyeen Xoojinta Iskaashiga Amniga Wada Hadaladii ka Dhacay Kampala…

Africa News Security Somalia news

Madaxeynaha Somalia oo booqasho ku tagay Caasimada Uganda ee Kampala ayaa kulan miro dhal ah la qaatay dhigiisa Uganda, waxeyna ka wada hadleen  xiriirka labada dal, kala guurka ATMIS & AUSSOM, arrimaha gobolka Geeska Afrika iyo xoojinta iskaashiga taariikhiga ah ee Somalia iyo Uganda…

Kulanka Labada Madaxweyne ayaa waxaa ka soo baxay:-

1. Xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga, iyo horumarka, iyadoi la isla qaatay in la kordhiyo iskaashiga ganacsiga iyo maalgashiga.

2. Taageerada Ciidamada Amniga Soomaaliya iyo hawlgalka cusub ee AUSSOM.

3. Soo dhoweynta xubinnimada cusub ee Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo matalaadda Somalia ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay sannadaha 2025-2026.

4. Dowladda Uganda waxay soo dhaweysay qaadista cunaqabataynta hubka ee saarnayd Somalia, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo u ogolaaneysa Somalia inay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda Amniga Qaranka.

346930cookie-checkSomalia & Uganda oo Ku Heshiiyeen Xoojinta Iskaashiga Amniga Wada Hadaladii ka Dhacay Kampala…