Somalia & UK oo Shir Gudoomiyay Madal looga Doodayay ilaalinta Bulshada ay Sameeyeen Colaadaha..

Security Somalia news World

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Kulan ay Howlwadeenada Dowladaha Somalia iyo UK ay magaalada London si wadajir ugu shir gudoomiyeen madal heersare ah oo ku saabsan ilaalinta bulshada ay saameeyeen marxaladaha nuglaanta iyo colaaduhu, iyadoo Kulankaan ay ka soo qeyb galeen Howlwadeen iyo Saraakiil ka kala socday Dowlado iyo Ururo Caalami ah…

Iyadoo Diirada lagu saarayay Ilaalinta bulshadu kaliya inaysan ahayn gurmadka degdegga ah ee xiliyada dhibaatadu taagan tahay, balse ay tahay udub-dhexaadka nabadda, adkaysiga bulshada iyo koboca dawladnimo, “Maanta waxa ku astaysan kulankii u horreeyey ee Golaha Heerka Sare ee Ilaalinta Bulshada ay Saameeyeen Marxaladaha Nuglaanta iyo Colaaduhu Waxa na ay bilow u tahay xil lix bilood socon doona.” Ayuu yiri Ra’iisul wasaare kuxigeenka Somalia.

Ku dhowaad afar meelood oo saddex dadka ugu saboolsan adduunku waxa ay ku nool yihiin marxalado nuglaan ah, taas oo dhibaatooyinku dheeraadaan, kuna qasabta dad badani in ay ka cararaan guryahooda, qaxooti na noqdaan, Golaha waxa ay bayaankoodi ku xuseen in Marka daadadka, duufaanaha, iyo abaaruhu dhacaan, ee colaaduhu qarxaan, ee aafooyinka dhaqaale baabi’iyaan hab-nololeedka, ay ilaalinta bulshadu noqon karto safka kowaad ee gaashaanka bulshada.

373590cookie-checkSomalia & UK oo Shir Gudoomiyay Madal looga Doodayay ilaalinta Bulshada ay Sameeyeen Colaadaha..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *