Guux Hareeyay Mooshin Dhan Ka Ah Shirkadda DP World Ee Xildhibaanadaan Puntland

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa, Iyadoo uu maanta furmayo Kal-fadhiga 48-aad ee Baarlamanka Dowlad goboleedka Puntland, ayaa waxa soo baxaya guux ku saabsan abaabulka mooshin ka dhan ah heshiiska DP World ee dekedda Boosaaso…

Xubno ka tirsan Xildhibaanada Baarlamanka, Ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in ay u-diyaar-garoobayaan mooshin ka dhan ah heshiiska Shirkadda DP World, Xubnahaan ayaa ku doodaya in muddada fulinta heshiiska DP World ee lagu heshiiyay ahayd laba sano oo ka bilaabatay maalintii la saxiixay 6 April 2017, balse afar sano kadib aysan waxba ka fulin heshiiskaas, sidaas darteedna ay mooshin ku burinayaan.

Dhinaca kale, Xildhibaano taageersan Madaxweynaha Puntland ayaa aaminsan in arrinta DP World looga dambeeyo Maamulka, maadaama ay tahay shaqo u taalla laanta fulinta ee dowladda (Executive branch of the government), Waxa xusid mudan, in aan weli la soo bandhigin qodobada Ajandaha Kal-fadhiga 48-aad ee Baarlamanka, kaas oo u baahan marka hore in la ansixiyo, si loogu shaqeeyo.

124750cookie-checkGuux Hareeyay Mooshin Dhan Ka Ah Shirkadda DP World Ee Xildhibaanadaan Puntland