Wararka naga soo gaaraya Doorashada Dalka Mareykanka ayaa sheegaya in Muwaadinin Somali-USA ah ay waxdarro ka dhigeen Doorashada Dalkaasi, kadib markii 4-ka mid ah ay guulo ka gaareen Doorashada, sida ay muujineyso natiijo hordhac ah….
Wararka ayaa sheegaya in Hodan Hasan iyo Maxamed Nuur ayaa ku guuleystay iney ka mid noqdaan Aqalka hoose Ee Gobolka Minnesota, kadib markii ay tartan adag u galeen doorashadaasi kana adkaaday musharixiin kale, waxeyna qeyb ka noqon doonaan dejinta Siyaasada iyo Maamul wanaaga Gobolkaasi.
Cumar Faatax ayaa isna loo doortay Aqalka Sare Ee Gobolka Minnesota, taasoo ka dhigeysa Soomaaligii ugu horeeyay Ee Golahaasi ka mid noqda, Sharci dejinta iyo qodobo kale ayaa ka mid noqonaaya howlaha horyaala Mudanahaan Ee 4-ta sano Ee na soo aadan.
Ilhaan Omar ayaa mar labaad ku guuleysatay Congress-ka USA, dhamaan Xubnahaan ayaa ka wada tirsan Xisbiga Dimuqaraadiga Mareykanka, waxaana la tartamaayay Musharixiin ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga (Republicans) Ee USA, guushaan ayaa muujineysa ka qeyb galka Siyaasada dalkaasi Ee Soomaalida, iyadoo qaxooti ahaan ku tegay dalkaasi.