UAE Oo Xiriir Ganacsi La Yeelanaaya Yuhuuda

Somalia news

Warbixino hordhac ah ayaa laga helayaa Xiriirka cusub Ee dhowaan ku heshiiyeen Dowladda Arab Emirates ay la yeelaneyso Dowladda Israel, iyadoo ay soo baxaayaan fahdaahin dheeraad ah oo heshiiskaasi ay gadaal ka riixayaan USA (Trump Teams)….

Wararka ayaa sheegaya in Imaaraadka oo lagu wado inuu bishan bilaabo xiriir ganacsi, iyagoo Dalka Israel ka soo iibsan doona khudaartii iyo mirihii ugu horreeyey, sida ay sheegtay Wasaaradda Beeraha iyo Horumarinta reer Guuraaga Israel.

Imaaraadka ayay sheegtay inuu talaabadaan ogolaaday kadib markii ay kulamo yeesheen Wasiirka Beeraha Mr.Alon Schuster, shaqaalaha wasaaradda iyo Wasaaradda Isbedelka Cimilada iyo Degaanka Imaaraadka, Waxaana la sheegay in Saraakiisha Dowladda Israel ay gacan ka geysan doonaan sidii UAE uga soo iibsan laheyd diyaaradaha dagaalka F-35 oo USA ay farsameeyaan.

Imaaraadka ayaan dhanka kale cadaadis ku saarin Israel in khudaarta ay ka iibsanayaan aysan noqonin mid kasoo go’day dhulalka ay ka haystaan Falastiin sida ay yeelaan Midowga Yurub, iyadoo todobaadkii tegey la sheegay in khamriga Israeli ee laga sameeyo canabka Golan Heights oo laga haysto Suuriya loo dhoofinayo Imaaraadka.

70540cookie-checkUAE Oo Xiriir Ganacsi La Yeelanaaya Yuhuuda