Taageerayaasha Kubada Koleyga Ee NBA Oo Masuugay Hananka Loo Xulay Cayaartoyda USA Uga Qeyb Galeysa Olombikada..

Sports World

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa tabasho & xanaaq ay ka muujiyeen Taageerayaasha xiiseeya Kubada Koleyga in Xiddigaha NBA Kyrie Irving iyo Jaylen Brown laga reebo u xulista cayaartoyda USA ku mataleysa Ciyaaraha Olombikada oo haatan ka socdaan magaalada Paris ee France…

Wararka ayaa sheegaya in Xiddigaha NBA Kyrie Irving (Dallas Mavericks) iyo Jaylen Brown (Boston Celtics)oo kala Hogaaminaayay Ciyaadtii Final-ka ee NBA ayaa laga reebay u xulista Ciyaartooyda ku mataleysa USA ee Olombikada Paris sabab la xiriira iney taageersan yihiin Qadiyada Falastin, iyadoo Taageerayaasha xiiseeya Kubada Koleyga ay Su’aalo ka keeneen dhcdadaani.

Taageerayaal badan ayaa qalinka u qaatay baraha bulshada si ay u dhaleeceeyaan Go’aanka looga reebay Xidigahaani, iyadoo Taageerayaasha ay la yaaban yihiin haddii qo-qob iyi go’doomin lagu sameyn karo Qofka waxa uy aamisan yahay ay wax badan ku kirdhineyso ficilladooda midnimo ee Falastiin inta lagu jiro xilli ciyaareedka 2023-2024 marka loo eego wada jirka kooxda.

Ciyaartoyda Xiddigaha NBA-da ayaa sidoo kale aad uga hadla Diintooda Muslimka ah, waxaana ay horay u soomeen bisha barakeysan ee Ramadaan oo dhan, xitaa intii lagu jiray xilliyada ciyaaraha halka qaarkood ay dhaqaale ugu deeqeen Shacbiga lagu dhibaateynaayo Magaalada Gaza.

337650cookie-checkTaageerayaasha Kubada Koleyga Ee NBA Oo Masuugay Hananka Loo Xulay Cayaartoyda USA Uga Qeyb Galeysa Olombikada..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com