Ciyaaraha Gobolada & Nidaam la’aanta ku Gedaaman Ma Dowlada Leh Mise Xiriirka…

Somalia news Sports

Tan iyo intii xariga laga jaray Ciyaaradaha Maamulada Gobolada waxaa soo shaac baxaayay Nidaam darro baahsan oo ku gedaaman Tartankaan, iyadoo laba Maalin dib loo dhigay kadib markii ugu horeysay waxaa xigay in Ciidamo Rasaas ku dhex adeegsadaan Garoonka Dhexdiisa iyo Taageerayaal banaday Ciyaartii shalay…

Amar ay soo saartay Wasaaradda Dhallinyarada Xukuumada Federaalka Soomaaliya, ayeey Xoogaga Amaanka kaga mamnuucay in gudaha garoonka ciyaaraha ee Stadium Muqdisho ka mamnuucday iney hub la soo galaan, xilli hore loo arkay in la dhibaateeyay Taageerayaasha ciyaaraha daawanaya.

Ku darsoo Ciyaartii shalay dhex mari laheyd Hirshabelle iyo Gobolka Benaadir ayaa la joojiyay kadib markii dhagax lagu dhaawacay mid ka mid Garsoorayaasha Ciyaarta (Calanside), taasoo sababtay in la joojiyo Ciyaartii dhici laheyd, talabaadan syaa u muuqata in markii 2-aad hakad la gelinaayo Tartantaasi oo Agaasimkiisa ay ka muuqato mid hooseya.

Wasaarada ayaa sidoo kale dhibaato weyn ay ka heysataa Nidaamka Qeybinta Tikidhada iyo Maareynta safafka, iyadoo la arkaayo in Xoogaga Amaanka ay rasaas u Adeegsanayaan Taageerayaasha safa ugu jira iney galaan Garoonka, waxey kaloo intaasi raacisay iney fududeyneeso tikidyada lagu galo in laga heli karo dhamaan degmooyinka Muqdisho ku yaala.

298480cookie-checkCiyaaraha Gobolada & Nidaam la’aanta ku Gedaaman Ma Dowlada Leh Mise Xiriirka…