Tacadiyada Xabsiga Cusboole Ee Dayniile

Politics

Waxaa soo shaac baxaaya tacadiyo baahsan oo Maamulka Degmada Dayniile iyo xubno ka tirsan NISA ay kula kacaan Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu xiro Xabsi cusub oo dhowaan laga hirgeliyay Degmada Dayniile…

Iyadoo Maalmihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada qabsaday warar la xiriira Xabsiga cusub ee loogu magac daray Cusboole uu Maamulka Degmada Ka hirgeliyay, iyadoo dhaqaalaha ku baxay laga bixiyay NISA, Xabsigaan ayaa la sheegay inuu maamulo Maamulka Degmada Dayniile, wuxuuna tacadiyo ka dhan xuquuqda bini-aadamka u geystaa Muwaadiniinta Soomaalida.

Xabsigaan ayaa inta badan la sheegay in lagu xiro Dadka aragti ahaan ka soo horjeeda Maamulka Farmaajo, waxaana la sheegay in si hoose uu Maamulka raali uga yahay Howlgalada laga fuliyo Xabsiga, iyadoo maxaabiista la marsiiyo ciqaab adag, islamarkaana ay hadda ku jiraan Dhalinyaradii banaanbaxa ka dhigay dhowaan Magaalada Muqdisho iyo kuwo qoraallo soo dhigay akoonada ay ku leeyihiin Facebook.

Warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay tabinayay warar sheegaya in tacadi xoog leh uu ka jiro degmadaasi.

31750cookie-checkTacadiyada Xabsiga Cusboole Ee Dayniile