Xiisad Colaadeed oo Ka Taagan Magaalada Beledweyne Kadib Dil Dhacay..

Somalia news

Warar hordhaca ah ayaa laga helayaa dil xalay Magaalada Beledweyn loogu geystay xubin ka tirsanaa Xoogaga Hubeysan ee Degaanka, iyadoo dilkiisa ay geysteen ciidan ka tirsan kuwa Amniga magaalada Beledweyn, kadib markii is-rasaaseyn dhex martay…

Wararka ayaa sheegaya in Dilka Marxuumkaan ayaa ka dambeysay kadib markii uu dagaal socday mudo kooban uu ku dhexmaray barkoontarool oo ku taala agagaarka buundada labaad ee xaafada Xaawa taako ee magaalada Baledweyne Xoogaga Macwuusley ah iyo kuwa Amniga.

Is-rasaaseyntaan ayaa waxaa lagu dilay ninka hoggaaminyay Xoogaga Degaanka oo lagu magacaabi jiray Cumar Sheekh Cabdullaahi Cabdi, kaasoo ahaa nin si weyn looga yaqaanay gobolka Hiiraan, kuwaasoo markii la sheegay iney la warwwgeen Barta kontrol.

Amaanka guud ee Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa hoos u dhac ku yimid bilihii lasoo dhaafay, waxaana magaalada gudaheeda iyo duleedkeedaba ka dhacay dilal loo geystay Dad Shacab ahaa, hayeeshee aan ilaa hada cidna loo soo qaban dilalkaasi.

280780cookie-checkXiisad Colaadeed oo Ka Taagan Magaalada Beledweyne Kadib Dil Dhacay..