Tirada Kiisaska Covid-19 Oo Sii Kordhaaya Somalia

Health

Waxaa aad u sii kordhaya tirada Bukaanada uu rito Cudurka Caabuqa ee la xiriira xanuunka COVID-19 maalinba maalinta ka dambeysaa dalka laga diiwaangelinayo, iyadoo xalayna la xaqiijiyay kiisas hor leh…

Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa xaqiijisay in 29 kiis oo cusub dalka laga diiwaangeliyay, ka dib tijaabo caafimaad oo dadkaasi la marsiiyay.

Wasaaradda ayaa qoraal ku sheegtay in 21 ka mida dadkaasi ay rag yihiin, halka 8da kalana ay dumar yihiin. Ma cadda halka ay dadkaasi ku kala sugan yihiin.

Jadwal ay ku cad yihiin kiisaskan oo lagu daabacay bogga Wasaaradda Caafimaadka ku leedahay Twitter-ka ayaa waxaa ka muuqda in ka mid ah dadkii uu horey ugu dhacay xanuunkaasi in uu ka bogsaday.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa warbixinteeda waxay ku sheegtay inay socdaan qorsheyaal iyo dadaalo wadajir ah, oo lagu doonayo in sida ugu haboon looga hortago khatarta xanuunkan.

Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa markale waxaa ay shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday in ay qaataan, kuna dhaqmaan talooyinka waaxda caafimaadka, ee la dagaalanka xanuunkaasi.

Dhanka kale, Dowlada Mareykanka ayaa Somalia ugu deeqday Dhaqaale dhan 12.5 Millions oo US$ oo gargaar ah si looga hortago Cudurka Coronavirus iyo Sidoo kale Dhaqaale dhan 11,6 Millions US$ oo loogu tala galay Barakacayaasha Qaxootiga ku Dalka gudihiisa.

28790cookie-checkTirada Kiisaska Covid-19 Oo Sii Kordhaaya Somalia