Hey’adda Garsoorka Puntland oo Laga Eedeeyay Habacsanaan iyo Eex

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Kiis ka dhacay magaalada Garoowe 8-dii August 2022-ka, kadib markii Eedeysane gaari watay uu si ula kac ah u jiirsiiyay Gaariga Gabar Uur leh oo lagu dilay gudaha magaalada, isla markaasna ay Maxkamada damaanad ku siideysay Eedeysanaha inkastoo dib loo soo xiray…

Wararka ayaa sheegay in Marxuumada la oran jiray Fatxi Saciid Faarax, iyadoo jugta gaariga uu ka jabiyay 6-Xubnood oo jirkeeda ah Ilmihii ay sidayna waa ku dilmeen, sidaas waxaa sheegay Abaheed Saciid Faarax oo dalbaday in la mariyo Shareecada Islaamka Eedeysanaha.

Kiisaska noocaan ah ayaa ku soo badanaaya degaanada Puntland, iyadoo ay isasa soo tarayaan Cabashooyinka dhanka ka ah Hey’adaha Amaanka iyo Garsoorka kuwaasoo la sheegay iney hareeyeen musuqmaasuq, Eex iyo nin jecleysi, iyadoo xiriiro la la sameeyay Hey’adda Xuquuqda Aadanaha Xafiiskeeda Garoowe ay sheegeen iney la socdaan Kiiskaan isla markaasna diiwaan geliyeen in Eedeysanaha Damaanad si fudud loogu sii daayay.

225050cookie-checkHey’adda Garsoorka Puntland oo Laga Eedeeyay Habacsanaan iyo Eex