Tirada Xujeydii Gudanaayay Acmaasha Xajka ee ku Geeriyootay Sanadkan..

World

Baraha Bulshada ayaa lagu baahiyay muuqallada Tiro xujey ah oo Sanadkan ku geeriyoodeen gudashada Acmaasha Xajka iyagoo la maamusayo isla markaana si nidaamsan loogu aasayo gudaha Sacuudiga, Dadka Geeriyaaday ayaa la sheegay iney sababsadeen Kuleyl xad dhaaf ah oo Dalkaasi ka jiray…

Xajku waa mid ka mid ah gudashada acmaasha ugu waaweyn iyo isu imaatinka ugu weyn ee Adduunka. In ka badan 1.8 million oo Xujey ah ayaa sanadkan ka qeyb qaadanaya sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta Sacuudiga, Heerkulka ayaa ka sarreeyay 46C (114.8) todobaadkaan, taasoo ka dhigaysa qaar badan oo ka mid ah gudashada acmaasha lagu sameeyo bannaanka mid adag iyo in socodku uu yaraado gaar ahaan dadka waayeelka ah.

Labada Magaalo ayaa xudun u ah gudashada waajibaadka xajka ee shanta maalmood ah, Xarun daweyn oo ku dhow buurta Carafa ayaa laga diwaan galiyay 225 xaaladood oo kulayl la xiriira, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Sacuudiga ee rasmiga ah, Wasaaradda caafimaadka Sacuudiga ayaa sidoo kale soo saartay la-talin, iyadoo ka codsatay xujeyda inay iska ilaaliyaan inay bannaan joogista saacadaha ugu kulul ee maalintii inta u dhexeysa 10:00 iyo 16:00.

Inkastoo aan la heynin tirada saxda ah ee geeriyootay hadana waxaa la shaaciyay in Ugu yaraan 14-qof oo u dhashay dalka Urdun ayaa ku dhintay kuleyl xooggan oo ka dhacay dalka Sacuudiga, waxaana la la’yahay 17-kale, xilli ay ku guda jireen gudashada waajibaadka Xajka, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaasi, Halka 5-Iran u dhalatay ay geeriyoodeen.

332080cookie-checkTirada Xujeydii Gudanaayay Acmaasha Xajka ee ku Geeriyootay Sanadkan..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *