Duqeyn Drones oo Dhimasho & Dhaawacyo badan Gaarsiiyay Ciidamo USA…

U.S. World

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar Duqeyn Drones oo Xoogag taabacsan Dalka Iran ay ku qaadeen Fariisin ay Ciidamada USA ku leeyihiin halka loo yaqaan Tower 22 Patrol and Operations Base in Northeastern Jordan kuna dhow Farsiinka Al-Tanf ee xadka Syria, waxaana ka dhashay Khasaare balaaran oo dhimasho iyo dhaawacba leh…

Wararka ayaa sheegay in 3-Askari ay ku dhinteen Duqeynta Drones-ka iyadoo dhaawacyadu ay kor u dhaafayaan 50-Kale oo 8-ka mid ahi ay qabaan dhaawwcyo aad u culus, iyadoo Drone-ta ay ku dhacday Qolalka jiifka ee Ciidamada, waana weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee waayadaan dambe loo geystay Ciidamada Mareykanka oo Fariisimaha xooga ku jooga Dalka Syria, iyo Iraq.

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa sheegay in ay uruurinayaan macluumaadka ku aaddan weerarka lagu bartilmaameedsaday Cidamadiisa, “Waxaan ognahay in ay fuliyeen kooxaha xagjirka ah ee Iran ay taageerto ee ka hawlgala Syria iyo Iraq.” Ayuu yiri Madaxweynaha Mareykanka, Dowladda Jordan ayaa cambaareysay weerarka xalay ka dhacay dalkeeda, iyadoona sheegtay in Washington ay kala shaqeynayo la dagaalanka argagixisadu.

Xoogaga wax iska caabinta Ciraaq oo ay ku mideysan yihiin kooxo hubeysan oo Iran taageerto ayaa sheegtay masuuliyadda weeraro lagu qaaday saddex saldhig, oo uu ku jiro midka ku yaala xadka Jordan iyo Suuriya,USA ayaa xiligaan heysata laba daran mid dooro inuu Weerar aargudasho ah ku qaado Dalka Iran iyo Kooxaha taageera iyo in Ciidamadiisa Sharci darrada ku jooga Dalalka Iraq iyo Syria uu isaga baxo, maxaa yeelay hadii weeraro uu qaado waxaa sii kordhi doona khasaaraha Ciidamadiisa, iyadoo lagu eedeeyay inuu si bareer ah ula saftay Dalja Israel ee dagaalada kula jira Kooxaha Hamas (Falastin), Xuutiyiinta (Yemen) iyo Xisbullah (Lebanon).

304620cookie-checkDuqeyn Drones oo Dhimasho & Dhaawacyo badan Gaarsiiyay Ciidamo USA…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com