Tiro Soomaali ah Oo Lagu Qabtay Dalka Mareykanka & Dembiyada loo Heysto..

Security U.S.

Faahfaahin ayaa laga helayaa Howlgal ay ku soo qabteen Xoogaga Amaanka Xuduudaha Mareykanka horaantii bishaan xuduudda waqooyi ee Dalkaasi Shaqsi Soomaali ah oo si sharci darro ah dalkaasi ku soo galay, kaasoo horay loogu xukumay fal dhac Bangi oo hubaysan ah sanadkii 2007…

Howlwadeenada Hey’adda (CBP) ayaa shaaciyay iney qabteen 7-dii April Eedeysane Xasan Maxamed oo 43 jir ah, kadib markii uu muwaadin dareen qabay soo wargeliyay in la jabsaday dhisme maqsin ah oo ku yaalay meel u dhow Fort Covington, New York, iyadoo Eedeysanaha uu sidoo kale wajahaya dacwad ah dib-u-soo-galid sharci darro ah oo uu dalka ku yimid kadib markii hore looga masaafuriyay, taasoo salka ku haysa xukun hore oo maxkamadi ku heshay dembi culus (aggravated felony). Masaafurintiisa hore waxaa amartay maxkamad sanadkii 2017.

Sidoo kale Xoogaga Hey’adda ayaa sheegey iney qabteen Shaqsi kale oo Soomaali ah 10-kii April kadib markii uu si sharci-darro ah uga soo gudbay dalka Canada, xilli maamulka Madaxweyne Donald Trump uu dib u billaabay ol’ole lagu adkaynayo siyaasadaha socdaalka ee dalka oo dhan, Eedeysanaha ayaa magaciisa lagu sheegay Yuusuf Maxamed Cali, waxaana meel u dhow magaalada Blaine ee Gobolka Washington.

368770cookie-checkTiro Soomaali ah Oo Lagu Qabtay Dalka Mareykanka & Dembiyada loo Heysto..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *