Maxaa Xiligaan Keenay Dhaqaale Xumida Kooxda Argagixisada Shababka iyo Qaxa Degaanada

Somalia news

Kooxda argagixisada Shababka ayaa la soo warinayaa in xiligaan ay wajaheyso dhaqaale xumo baahsan, kadib markii Dowladdu dhaqajisay dhaqdhaqaqyo lagu xakameynaayo Ganacsatada Baada iyo Dhaqaalaha deynta ah ay kooxdu ka hormarsan jirtay, talabadaan oo saameyn ku yeelayay Dagaalada ay ku jiraan…

Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyay in khasaaraha ka soo gaaraya dagaalada ay sii kordhaaya maalinba maalinta ka dambeysa, iyagoo dhimasho iyo dhaawac badan ay kooxdu kala kulantay tiro dagaalo ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Dowlada iyo Beelaha, Kooxda ayaa bilaabay iney Caruurtooda iyo Xaasaskooda ka rartaan Degaanada hoos yimaada Gobolada Mudug, Galguduud, Hiiraan iyo Shabeelada dhexe.

Ilo Sirdoon ayaa xaqiijiyay in Daawada, Saadka (Raashinka, Shidaalka iyo Noocyada Rasaasta) ay kooxdu gabaabsi ka tahay, waxeyna baadi goob xoogan ugu jiraan sidii ay dhaqaale deyn ah, Deeq ama Hormaris uga heli lahaayeen Ganacsatada magaalada Mogadishu, kuwaasoo tiro yar la sheegay iney oggolaadeen iney bixiyaan halka kuwo kale ay talefonada dansadeen dalkana ka dhoofeen.

Dhanka kale, Howlgal ay doraad galab ka fuliyeen Xoogaga Amaanka Masaajid ku yaal Suuqa Bakaaraha gaar ahaan agagaarka Cabdalla shideeya, ayaa lagu soo qabtay 30-xubnood oo Masaajidkaasi xiligaasi joogay, waxaana la sheegay in Talephonadii ay wateen laga qaaday kadibna Lambaro gaar ah ay wateen ka dhex wacdeen, iyagoo qabtay 8-xubnood oo kooxda u xil saarnaa inet dhaqaalaha ka uruuriyaan Ganacasatada kuwaasoo lagu xiray Xabsi gaar ah oo cusub lagana hirgeliyay gobolka Benadir.

221450cookie-checkMaxaa Xiligaan Keenay Dhaqaale Xumida Kooxda Argagixisada Shababka iyo Qaxa Degaanada

3 thoughts on “Maxaa Xiligaan Keenay Dhaqaale Xumida Kooxda Argagixisada Shababka iyo Qaxa Degaanada

  1. Runtii waa Warbixin dhab ka hadal ah una baahan in lagu bogaadiyo Maamulka iyo Wariyayaasha ka howlgala Warsidahaan (Thanks).

  2. Koley kooxdaan waa galbatay ee kuwa Fadhiidka ah ee Gobolada ayaa u baahan in kacdoon lagu kiciyo

  3. Dalkaan iyo Dadkiisa muddy deer ayuu dhibaato ku qabay kooxahaan iyo siyaasiyiinta Danleyda ah, ma la joogaa xiligii la iska xoreyn lahaa

Comments are closed.