Todobaadka Xoriyada Somalia & Siyaasadaha Is-diidan ee Geeska Africa ka Taagan…

Africa News Somalia news

Waxaa xalay magaalada Muqdisho iyo Degaano kale lagu qabtay munaasabadda 26-ka June oo hordhac ah u ah todobaadka Xoriyada iyo maalintii Gobolada Waqooyi ee Somalia ee hadda loo yaqaano Somaliland ay ka xoroobeen gumeystahii Ingiriiska, Sanadkaan 64 sano kadib, waxaa munaasabaddaan lagu qabtay Muqdisho xilli Soomaalidu ay aad u kala qeybsan tahay…

Xogo loo qaateen ah ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Madaxweyanaha Soomaliya Xasan Shiikh oo booqasho ku tagay dalka Norwey ayaa Magaalada Oslo kula kulmay Odayaal Somaliland ka soo jeeda, wuxuu u sheegay in Dowlada Ethiopia 26-june aqoonsanayso Somaliland, inkastoo Wararkaasi uusan xaqiiq noqon, Siyaasadaha is-diidan ee Geeska Africa ka taagan oo horseedi kara Colaado hor leh.

Maamulka Somaliland ayaa horay u sheegtay in midnimadii ay la gaartay Konfurta Somalia ay la soo noqotay, inkastoo aysan helin ictiraaf iyo aqoonsi buuxa, haddana waxaa xaaladda sii adkeeyay sanadkaan khilaafka dhinaca badda ee u dhexeeya Ethiopia iyo Somalia ee kasoo cusboonaaday Gobolka kaasoo gaaray halkii ugu hooseysay.

Ethiopia ayaa cabsi weyn ka qabta in Isbaheysiga Cusub ee Djibouti iyo Somalia iyo Somalia & Eritrea uu khakhal gelin karo Siyaasada iyo degenaashaha Ethiopia kuwaasoo taageero ka helaaya USA & Eruopean Union, wuxuuna Somaliland u arkaa degaan ay dhabarka saari karto oo hubka kala soo degi karo isla markaasna ay Maamulaan Dowlad ay Saxiibo yihiin (UAE), inkastoo Riyadooda lagu tilmaamay “Dhedo Roob noqon weysay”.

333440cookie-checkTodobaadka Xoriyada Somalia & Siyaasadaha Is-diidan ee Geeska Africa ka Taagan…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *