Madaxweynaha Oo qaar ka mid ah Shacbiga Soomaaliyeed kula Tukaday Masaajidka Cali Jimcaale

Somalia news

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh ayaa qaar ka mid ah Shacbiga Soomaaliyeed kula tukaday Masjidka Cali Jimcaale oo ku dhow Garoonka Diyaraadaha, dhismaha Masaajidka ayaa iska kaashaday Ganacsatada Magaalada Mogadishu..

Madaxweynaha oo khudbad salaada kadib ka jeediyay Masaajidka ayaa sheegay ”Masaajidka oo dhulka laga hirgilyay waxaa ku deeqday Dowladda, waxaan rabaa inaan u mahad celiyo Dadkii Soomaaliyeed ee dhaqaalahooda geliyay sida tabarucaada ahna u dhisay, tani waxey astaan u tahay sida Shacab iyo Dowladba ay mas’uuliyad iskaga saarayaan Diinteena Suuban”.

Isagoo intaasi raaciyay waan ilaalineynaa waan dhowreynaa wixii hormarinaaya Diinta, wuxuuna ugu hambalyeeyay Shacbiga Soomaaliyeed iyo Dunida Islaamka Maalmaha Barakeysan ee Ciida Carafo, gaar ahaan farxada Ciida oo ah Munaasabad qiimo weyn ku leh Shucuubta Islaamka iyo Dhaqanka Suuban.

199630cookie-checkMadaxweynaha Oo qaar ka mid ah Shacbiga Soomaaliyeed kula Tukaday Masaajidka Cali Jimcaale
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com