Trump oo Dejiyay Qorshe Somalia iyo Morocco uu ugu qeybiyo Shacabka Xooga looga barakicinaayo Guryahooda ee Magaalada Gaza..

Security World

Kadib markii ay Dowladaha Dalalka Egypt iyo Jordan ay diidmo xoogan ka keeneen in Shacbiga Magaalada Gaza dalalkooda la dejiyay, ayaa hadda waxaa soo shaac baxaaya Olole ay wadaan Warbaahinta Dalka Israel sidii Maamulka Trump loogu qancin lahaa in Falastiniyiinta la dejiyo Dalka Marocco iyo qeybo ka mid ah Somalia…

Warbixintu waxay tilmaantay in Maamulada Puntland iyo Somaliland ay raacdo resb ugu jiraa sidii ay u heli lahaayeen aqoonsi caalami ah oo ay ku helaan madax-banaanidooda oo ay ka go’aan Somalia inteedi kale, halka Marooko ay ka walaacsan tahay sii socoshada aqoonsi raadinta iyo  madaxbanaanida Saxaraha Galbeed.

Qorshaha Trump ee barakicinta Shacabka Gaza waxay ujeeddadeedu tahay in Xeebaha magaalada Gaza loo baari lahaa Shidaal iyo Gas iyo loo sahlo in Israel ay dhulka Falastiin qaadato iyo in lagu cadaadiyo Boqortooyada Sucuudiga iney xiriir Diplomaasi ah yeeshaan Maamulka Yuhuuda, iyadoo uu Trump qorsheynayo in 100,000 oo Qaxooti Falastiiniyiin ah uu ku wareejiyo dalal Shisheeye sida Albania iyo Indonesia, taasoo qeyb ka ah aragtidiisa ku aadan barakicinta Shacabma Marinka kunool.

Wararka ayaa intaasi raacinaaya in Dalka Albania oo ah dal sabool ah oo reer Yurub ah oo u baahan shaqaale, balse Madaxweynaha dalkaasi ayaa ka horyimid qorshaha Trump waxaana uu iska diiday inay qaabilaan Shacab intaasi la dhan.

359690cookie-checkTrump oo Dejiyay Qorshe Somalia iyo Morocco uu ugu qeybiyo Shacabka Xooga looga barakicinaayo Guryahooda ee Magaalada Gaza..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *