Xoogag Hubeysan Oo Gadoodsan ayaa isku Balaariyay Magaalada Garoowe..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Xoogag hubeysan oo ka amar qaata Horgale Jimcaale oo diidan Furista Dastuurka Punland ayaa Saakay aroortii hore isku fidiyay Jidka sodonka ee Xarunta Maamulka Puntland ee Garoowe…

Dhacdadaan ayaa walwal ku beertay Shacabka ku nool xarunta Gobolka Nugaal, waxaa jirta walaac ku aadan suurta galnimada in gacan ka hadal ay isu rogto xiisadan, iyadoo Dadkii degenaa qaybo kamid ah xaafadaha ka agdhaw xarunta Baarlamaanka iyo Xaafadaha kale ayaa isaga qaxay nawaaxiga, waxeyna cabsi ka qabaan in markasta dagaal qarxo.

Horgalaha Xoogagaan Hubeysan wata (Jimcaale) ayaa diidan damaca Mr.Deni uu ku doonaya in lagu furo Dastuurka, taasoo sidoo kale ay naqdiyeen Hogaamiyayaasha Siyaasiyiinta Mucaaradka, iyagoo u arka in lagu naas nuujinayo Deni.

261600cookie-checkXoogag Hubeysan Oo Gadoodsan ayaa isku Balaariyay Magaalada Garoowe..