Turkiga Oo Muwaadiniintooda Muqdisho Ka Daadgureeyay Muqdisho

Health Politics

Dowladda Turkiga ayaa xalay muwaadiniinteeda kala baxday magaalada Muqdisho, xilli ay sii kordhayaan mudaaharaadyada looga soo horjeedo Maamulka Farmaajo & Cabsida faafitaanka Cudurka caabuqa coronavirus oo ku soo batay magaalada Muqdisho…

Qoraal kasoo baxay safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in tallaabadan la qaaday ayada oo ay qeyb ka tahay taxaddarka madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan ee looga hortagao faafitaanka cudurka Coronavirus, hadana Waxaa lagu eedeeyay Maamulada Ankara iyo Dooxa iney taageeraan Maamulka Fashilmay ee Farmaajo.

“Sababo la xiriira taxaddarada uu madaxweynaha qaatay si looga hortago faafitaanka COVID-19, muwaadiniinteena ku sugnaa Soomaaliya, waxaa si ku-meel gaar ah looga qaaday Muqdisho laguna celiyey Turkiga, si waafaqsan amarka dhammaan muwaadiniinteena ku sugan dibedda lagu keenayo Turkiga,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda.

Safaaradda ma aysan shaacin tirada muwaadniinta la waday, hase yeeshee MOL ayaa ogaatay in tirada xalay laga qaaday Muqdisho aay ahaayeen 101 muwaadin oo Turki ah.

Sidoo kale, diyaaradda qaaday muwaadiniinta Turkiga ee Turkish Airlines ayaa garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo dejisay dad Soomaaliyeed oo ay kasoo qaaday dalka Turkiga, Ilaa 58 qof ayaa la sheegay inay la socdeen diyaaradan kasoo degtay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Waxaa jira dalal kale oo caalamka ah oo ay ku xayiranyihiin muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed, kuwaasoo wajahaya duruufo kala duwan, qaarkoodna lasoo sheegayo inay sahaydii ka go’day.

30030cookie-checkTurkiga Oo Muwaadiniintooda Muqdisho Ka Daadgureeyay Muqdisho