Ciidamada Ilaalada Xeebaha Turkiga ayaa Shalay sheegay iney soo badbaadiyeen 25-qof Oo Qaxooti ah, kuwaasoo doonayay iney Dhanka Badda ka galaan Xuduudaha Dalalka EU-da…
Warbaahinta Maxaliga ah ee Dalka Turkiga ayaa qoray In Ciidamada Badda Gariiga ay Dib u soo celiyeen Muhaajiriintaasi Oo doonayay iney dalkooda galaan, Magan-galya doonayaashasi ayaa ka baxay Xeebta Aegean, ayaa qorsheynaayay iney gaaraan degaanka Lesbos ee Dalka Gariiga.
Tahriibayaasha ka soo badbaadiyay ayaa u kala dhashay dalalka Somalia, Afghanistan iyo Bartamaha Africa, waxaana qabtay Ciidamada Ilaalada xeebaha Gariiga Oo Dib u soo celiyay, Turkey ayaa sheegtay in Xaaladooda Caafimaad ay Kooxdani wanaagsan tahay.
Turkiga ayaa ka mid ah Marinada Qaxootiga doonaya iney galaan Qaarada Europe, tan iyo markii ay dagaalada ka qarxeen Iraq iyo Siria, iyagoo qaabilay ku dhowaad 4-Million Oo Qaxooti ah.