Aqoon isweydaarsi ku saabsanaa Qaliinada Qurxinta oo lagu qabtay Isbitaalka Dalmar 

Health Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Aqoon isweydaarsi lagu qabtay Xarunta Isbitaalka taqasusiga iyo tacliimiga ah ee Dalmar oo ku taalla degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho, kaasoo looga hadlayey qaliinada la xiriira qurxinta iyo beerista timaha…

Aqoon isweydaarsigan ayaa waxaa ka qeyb galay Dhakhaatiirta iyo Shaqaalaha Isbitaalka Dalmar qaarkood, xubno ka tirsan bahda Caafimaadka, Ardayda maadada Caafimaadka ka barata Jaamacadaha qaarkood dalka iyo xubno kale.

Dr. Essa Suleiman oo ah dhaqtar ku taqasusay qaliimada casriga ah ee la xiriira qurxinta iyo beerista timaha ayaa aqoon isweydaarsigan cashar muhiim ah ka bixiyey, isagoo ku dheeraaday qaliimada uu sameyn doono noocyada ay ka kooban yihiin iyo qalabka casriga ah ee uu adeegsan doono.

202980cookie-checkAqoon isweydaarsi ku saabsanaa Qaliinada Qurxinta oo lagu qabtay Isbitaalka Dalmar 
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com