Turkiga & Qatar Maxaa U Talo Ah

Somalia news

Turkey waa dal Shacbiga Soomaaliyeed abaal weyn u hayaan kaasoo u soo shaac baxay xilli xaalku adag yahay, wax badanna la qabtay. Waxaa dalka kusoo dhoweeyey Madaxdii Dalka Sida Sheikh Sherif iyo Xasan Sheikh Maxamuud, Iyagoo Oggolaaday in Shirkadaha iyo Ganacsatada Turkiga ay maalgelin ka fuliyaan ilaha dhaqaalaha Sida Dekedda iyo Airpor-ka Mugadishu oo ay gacanta ku hayaan…

Ayaan darro Maanta Dowladda TURKEY iyo Qatar Waa labada ee ka gaabsaday iney ka hadlaan Khilaafka Doorashada ka dhashay, iyadoo baaqii Beesha Caalamka ee kudarsiga sharci-darro lagu diiday, taasoo u muuqatay is-garabtaag qaawan ee Maamulka Fashilmay ee Farmaajo.

Dalka QATAR awalba siyaasadda Somalia ku soo gashay si suuq madow ah (luuq-luuq), waxtar buurana aan ka sameyn marka laga reebo hal mashruuc oo hormarineed Somalia, balse waxaa la sheegay iney dhaqaale badan ku bixisay sidii loo dhisi lahaa Hey’adda NISA (Wax caburisa).

Danjirihii hore USA ee Somalia, Stephen Schwartz, ayaa ku eedeeyay Maamulka Dooxa in dhaqaale madow ay bixiso si loo caburiyo Shacbiga Mogadishu, iyadoo la soo marsiiyo Agaasimaha Hay’adaasi Fahad Yaasiin, waxeyna qireen in sanadkii tagay ay ku deeqeen 20-millions US$.

Hadaba, Miyey Hogaamiyayaasha dalalkaan dani ugu jirtaa inay danahooda dhaqaale, amni iyo siyaasadeed ee waqtiga fog shaqsi Siyaasad ahaan dhigtay ku xiraan, Dalka iyo Danta Somalia waa ka weyn tahay qof iyo labo ee ha kadsoomina.

112830cookie-checkTurkiga & Qatar Maxaa U Talo Ah