Maxaa Ka Dhab ah in Maamulka SSC-Khatumo uu Burbur Qarka u Saaran Yahay & Sababta..

Somalia news

Tan iyo intii la dhisay Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo isla markaasna ka xoreysteen Dadka Degaanka Xoogaga Somaliland iyagoo kaashanaaya Shacbiga & Maamulka Puntland, ayaa hadda waxaa soo shaac baxaaya qorshe lagu burburinaayo Maamulka Khatumo ay hormuud ka yihiin Siyaasiyiin & Odayaal Dhaqmeed Puntland ka soo jeeda…

Wararka ayaa sheegaya in Wasiirka Warfaafinta Puntland Mr.Maxamuud Ceydiid oo ka soo jeeda Gobolka Sool ayaa Dood kaga qeyb galka Barta X sheegay in Gobolada Sool, Sanaag-Bari iyo Degmada Buuhoodle ay ka tirsan yihiin Maamulka Puntland, “Firdhiye Qodobada loo siiyay awooda, waxaa ka mid ah inuu qabto Shirweyne aayo ka talis, waana ku guul daraystay”Ayuu yiri Wasiir Caydiid.

Hadalka Wasiirka oo kasoo horjeeda go’aankii Garaadada ee ahaa iney toos u hoos tagayaan Dowlada Federaalka, ayaa u muuqda mid xariga ka jaray in Maamulka Gobolka Sool uusan sinaba loo hoos geyn karin Dowlada Federaalka, saanaaanta muuqata midaas ay tilmaameysaa.

Dhanka kale, Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ku sugan magaalada Laascaanood ayaa shir Wada-tashi ah isugu yeeray golaha Dhaqanka SSC-khaatumo, wuxuuna ugu baaqay Odayaasha Dhaqanka SSC iney mudda shan Maalmood ah ku soo galaan magaalada Laas caanood si ay u yeeshaan shir wada-tashi ah.

Golaha isimada SSC ayaa shirkooda uga tashanaya sida laga yeelayo arrinta ka soo korortay doorashada Puntland gaar xulista xildhibaannada laga soo doorto SSC, Dood adag ayaa ka taagan soo xulista xildhibaannada laga soo doorto SSC maadaama dadka degaankaasi yeesheen maamul gaar ah.

292230cookie-checkMaxaa Ka Dhab ah in Maamulka SSC-Khatumo uu Burbur Qarka u Saaran Yahay & Sababta..