UK Oo Xaqiijisay Iney Sii Shaqeeyaan Xawaaladaha

Business

Dowladda Boqortooyada Britain ayaa xaqiijisay in adeegyada Xawaaladaha ay sii furnaan doonaan inta lagu jiro waqtigan adag ee la tacaalida iyo xakameyn ya cudurka safmareenka ah ee Covid19…

UK, ayaa kamid ah wadamada uu sida ba’an ugu faafay covid19, waxaana u geeriyooday dad gaaraya 30,616 halka uu ku dhacay dad ka badan 206,715.

Bayaan kooban oo kasoo baxay safaaradda UK, ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in tilaabadan ay ka dhigan tahay in qurba joogta Soomaaliyeed ay sii wadi karaan inay taageeraan asxaabtooda iyo eheladooda ku sugan Soomaaliya.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay go’aankaan, isagoo sheegay xawaaladuhu inay kaalin muhiimka qaataan nolasha dadka Soomaaliyeed ee gudaha dalka ku sugan iyo sidoo kale dib u dhiska dalka.

Tan iyo markii uu dillaacay Covid19, waxaa hoos u dhacay shaqooyinkii xawaaladaha iyo bangiyada, iyadoo ay saameeyeen tilaabooyinka lagula dagaalamayo covid19.

32590cookie-checkUK Oo Xaqiijisay Iney Sii Shaqeeyaan Xawaaladaha