Dil Ka Dhacay Degmada Afgooye

Health

Wararka laga helayo Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in Goolhayihii xulka Qaranka Soomaaliya C/weli Colaad Qanyare (Gaatamow) xalay lagu dilay degmada Afgooye….

Dilka C/weli Colaad Qanyare oo ahaa guddoomiyaha Isboortig degmada Afgooye ayaa dabley hubeysan ku toogteen Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose, waxayna wararkii ugu horeeyay sheegayaan in dilkiisa uu ka dhacay xilli uu salaadii ku jiray taraawiixda Masjid ku yaalla Afgooye.

Allaha u naxariistee Gaatamow wuxuu horay uga mid ahaa Xulka Qaranka, sidoo kale kooxo kala duwan ayuu u soo ciyaaray, gaar ahaan Kooxdii Benadir Telecom.

Goolhaye Gaatamow ayaa soo saaray ciyaartoy kala duwan, waxaana uu ahaa khabiir dhanka ciyaaraha oo uu ka qeyb qaatay horumarinta ciyaaraha dalka.

32560cookie-checkDil Ka Dhacay Degmada Afgooye