Ukraine oo aqbashay Dalabkii Trump iyo Heshiis ay shegeen inay la gaareen USA..

Security U.S. World

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa Dalka Ukraine oo ogolaatay qodobbada heshiisyada macdanta ee Maraykanka, sida ay sheegeen Sarkaal sare oo ku sugan Kyiv, iyadoo lagu wado in Maalinta Jimcaha uu Madaxweynaha Ukraine uu gaari doono magaalada Washington si uu u saxiixo Heshiiska Macdanta ee Dalkiisa laga helay…

Warbixinnada warbaahinta ayaa sheegaya in Washington ay laashay dalabaadkii ugu horreeyay ee xaquuqda $500bn ee dakhliga suurtagalka ah ee ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah, laakiin ma aysan siinin damaanad amni oo adag Ukraine, Trump ayaa Talaadadii sheegay in beddelka heshiiska Ukraine ay heli doonto “xaq ay ku dagaallanto”.

“Aad bay geesiyaal u yihiin,” ayuu u sheegay warfidiyeenka, laakiin “la’aanteen Mareykanka iyo lacagihiisa iyo qalabkiisa milatari, dagaalkan wuxuu ku dhamaan lahaa waqti aad u yar”, Waxaa jiri doona baahi loo qabo “nooc nabad ilaalin” gudaha Ukraine ka dib heshiis kasta oo nabadeed, Trump ayaa intaaku daray, laakiin taasi waxay u baahan doontaa inay noqoto mid “qof kasta aqbali karo”.

Shabakadda wararka ee Ukraine ee Ukrainska Pravda ayaa sheegtay in heshiiska macdanta lagu wado inay kala saxiixdaan wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine Andrii Sybiha iyo xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Marco Rubio.

Ukraine waxa ay haysataa kayd badan oo ah walxo iyo macdan muhiim ah, oo ay ku jiraan lithium iyo titanium, iyo sidoo kale dhuxusha, gaaska, saliida iyo kaydadka uranium-ka oo la qiyaasi karo – sahay qiimaheedu dhan yahay Balaayiin US$, Waxaa sii kordhaya waalaca Ukriane iyo xulufaeeda Yurub ay ka qabaan xiriirka Ruushka iyo Maraykanka oo ay ku jirana wadahadalladii Sacuudiga ee todobaadkii hore.

362080cookie-checkUkraine oo aqbashay Dalabkii Trump iyo Heshiis ay shegeen inay la gaareen USA..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *