Digniino Amni oo Laga soo Saaray Weeraro Argagixiso Oo ka Dhaca Dalka Sweden..

World

Kadib markii ay u kordheen oggolaashaha ay Dowladda Sweden ku siineyso Dadka Dalkaasi iney qabtaan gubida Kitaabka Qur’aanka Kariimka, waxaa soo shaac baxaaya in Warar sheegaya in khataraha Argagixiso ee Dalka Sweden uu gaaray heerkii ugu sareysay..

Hey’adaha Amaanka Dalkaasi ayaa soo saaray Digniino xambaarsan khatarta argagixisannimo kuwaasoo hadda gaaray heerka 3-aad, taasoo la micno ah inay jirto “khatar sare”, wararka ayaa intaasi raaciyay in maamulka Sweden ay mar horeba “fashileen tiro weerarro ah oo qorshaysnaa ayna xireen tiro dad ah oo lala xiriirinayey.

Dowladaha USA & UK ayaa muwaadiniintooda kula taliyay iney fejignaan iyo taxadar muujiyaan oo ay iska jiraan goobaha la iskugu yimaado muwaadiniinteeda ku sugan Sweden iney sababo la xiriira khatarta sii kordhaysa ee gacan ka hadal ay halkaa ka gaystaan kooxo xagjir ah, sida ay yiraahdeen.

La-taliyaha Amniga Qaranka ee Sweden, Henrik Landerholm, ayaa qiray in xaaladda amaanku uu hoos u dhac ku yimid sababo la xiriira Oggolaashaha Doeladda ee Qur’aanka Kariimka ah ee dhowaan si is xigxigta loogu gubay halkaasi, ku darsoo waxaa hoos u dhac ku yimid xiriirkii Dalka Sweden iyo Dowladaha Islaamka.

272120cookie-checkDigniino Amni oo Laga soo Saaray Weeraro Argagixiso Oo ka Dhaca Dalka Sweden..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com