UN-ka Oo Walaac Ka Muujiyay Xaalada Somalia..

Politics

Warbixinta cusub ee golaha ammaanka Qaramada Madoobe oo ay ka dhagaysteen Ergeyga gaarka ah ee wakiilka QM Amb. James Swan ayaa fariin adag Maamulka Farmaajo loogu diray.

Farriintani culus oo xambaarsan in dowladdu ineysan qaban howlihii loo igmaday, islamarkaana Villa Somalia ay baalmartay dastuurkii iyo shuruucdii u taallay dalka ayaa Nabar ku noqonaysa hoggaanka Nabad iyo Nolol xukunka haya.

Danjiruhu wuxuu qiray in shirkii ugu dambeeyay ee bishii October wada qaateen madasha qaran in lagu heshiiyay qodobo ahmiyad gaar ah u leh Soomaaliya sida deyn cafinta, doorasho hal cod iyo hal qof, dhammeystirka dastuurka, la dagaallanka Alshabaab iyo xoojinta wada shaqeynta dowlad goboleedyada.

Danjiruhu wuxuu qiray in shirkii ugu dambeeyay ee bishii October wada qaateen madasha qaran in lagu heshiiyay qodobo ahmiyad gaar ah u leh Soomaaliya sida deyn cafinta, doorasho hal cod iyo hal qof, dhammeystirka dastuurka, la dagaallanka Alshabaab iyo xoojinta wada shaqeynta dowlad goboleedyada.

Waxaa uu intaas raaciyay in dowladdu aynaan wax badan ka qaban dhammaan arrimahaasi marka laga soo tago arrinta dhaqaalaha oo uu xusay in la bogaadin karo, islamarkaana ka xafiis ahaan uu ka walaacsan yahay xiriirka wada shaqeyn ee xukuumadda iyo maamullada.

Fikirka caalamku uu ka aaminsan yahay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo ayaa ah boob doorasho iyo aaminaad darro iyadoo hay’adaha adduunku ka amba-qaadayaan doorashooyinkii gobollada ka dhacay oo dowladdu agaasintay sida Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Swan ayaa sidoo kale soo hadal qaaday in caqabadaha aan wali la xallin ay masuuliyaddooda leeyihiin madaxda Soomaalida oo uu madaxweynaha ugu horreeyo.

“Mudane Madaxweyne,
Sidii aan ugu wargaliyay Golaha amaanka bishii Nofeembar, 2019 si Soomaaliya ay u mareyso caqabadaha haray iyo in la gaaro himilooyinkeeda mudnaanta leh, dhammaan daneeyayaasha Soomaaliya waa inay si wada jir ah uga wada shaqeeyaan danaha Qaranka.

Masuuliyaddani waxay ka bilaabataa hoggaamiyeyaasha Soomaaliya. Iyaga waxaa loogu talagalay inay ka qeybgalaan wada hadalka iyaga oo ku jira ruuxa midnimada qaran isla markaana iska dhigaya danahooda siyaasadeed ee cakiran si loo xoojiyo

dowladnimada Soomaaliya, amniga iyo barwaaqada” ayuu yiri Danjiraha.
Dhanka kale, waxaa uu James Swan warbixinta uu siiyay Gollaha ammaanka ku sheegay in Madaxweyne Farmaajo uusan sii wadin wadatashiyada asxaabta siyaasadda.

Hadaladii ugu dambaysay ee aan u jeediyo golahan, waan soo dhawaynayay shirkii bishii Nofeembar dhex maray Madaxweynaha iyo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha xisbiyada siyaasadeed. Nasiib darrose wadatashiyadan ma aysan sii socon.

Dhanka kale, Madaxweynaha Faderaalka iyo madaxda Dowladaha xubinta ka ah dowladda Federaalka ma kulmin koox ahaan ilaa bishii Maajo 2019. Garoowe

Kala maqnaanshaha dheer ee isafgarad siyaasadeed oo ballaaran oo ku saabsan habka loo socdo 2020 ayaa weli ah mid khatar ku ah horumar dheeraad ah.”

Walaaca caalamku uu ka muujinayo horu-usocodka in la helo dowlad ka hanaqaada Soomaaliya ayaa ahayd mid aan horay u shaaciyay ka aqoonyahan Caalim ahaan,

waxaana muuqanaysa in shaki weyn uu dhaliyay hadalkii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa guddiga doorashada arrimaha doorasho 2021 u wakiishay.

Sida Villa Somalia ay wax ku waddo marka aan oddorosay waxaa ii muuqanaysa in ay damaacinayaan muddo kordhin marka uu idlaado waqtiga dowladdani oo ah horraanta bisha Feberaayo ee sanadka ina soo aaddan 2021-ka.

Tan kale, sharcigani doorashooyinka waxaa xasuusannaa in inta badan maamullada gobollada ay diideen sida Puntland, Galmudug iyo Jubbaland waa gobolladee kuwa ay doorashada ka dhacayso, hadii inta badan Maamul Gobaleed yadu inta badan diidan yihiin sharciga doorashada.

miyaanay gobolladaasi Soomaaliya ahayn oo doorasho laga agaasimaynin?!

Sida aan horay u sheegayba, waxaan mar kale ku celinayaa oo aan cod dheer ugu baaqayaa madasha xisbiyada qaran in ay arrintani il gaar ah u yeeshaan islamarkaana beesha caalamka la wadaagaan talo iyo tusaale sida Soomaaliya loo jiheyn karo siyaasaddeeda mustaqbal 2021-ka.

18810cookie-checkUN-ka Oo Walaac Ka Muujiyay Xaalada Somalia..