Ma Dhabaa In Villa Somalia Ay Culeys Ku Saartay Maxkamadda Sare

Politics

Warbixino hordhaca ah oo laga helay ilo ku dhow Saraakiisha Maxkamadaha ayaa sheegeysa in Maamulka Villa Somalia ay culeys ku saareen hakinta Dacwadii ay Hogaanka xisbiga Himilo Qaran ka gudbiyeen hay’adda duulista rayidka Qaranka…

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Dacwada oo la gudbiyay bishii October ee sanadkii hore ayaa ilaa hada taagan tahay iyadoo dhowrkii bil ee la soo dhaafay aysan qabsoomin, kadib culeys kaga yimid Maamulka Farmaajo.

Markii ugu horeysay oo ay Maxkamadu furantay waxay aheyd 18-kii bishii November 2019, waxayna wararku sheegayaan in wixii markaasi ka dambeeyay ay Maxkamada sare dib u dhigeysay guda galka Kiiskaan.

“Waxaa noo muuqata cadaadis la saaray maxkamada sababtoo ah qareenadii aan qabsanay oo aan shaqaale dowladeed aheyn ayaa noola diiday, xataa waa badalnay walina wax socda maleh” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Himilo Qaran.

Mid kamid ah saddexda qareen ee u doodaya Xisbiga Himilo Qaran ayaa shaqada dowladda iska casilay ka hor inta aan kiiskaan la bilaabin, balse waxaa Soomaaliya is casilaadiisa diiday dowladda. Sidoo kale qareeno kale oo ay qabsadeen Himilo Qaran ayaa ilaa hada kiiskii dib loo furin.

Qiyaas iyo baaris ay sameeyeen kooxo Xeer-beeg ah ayaa waxay ku sheegeen inay u badan tahay in kiiska looga guuleysan doono Maamulka Farmaajo, Talaabadaan oo sharaf dhac iyo sumcad xumo ku ah dowladda, Iyadoo ay 7-8 bilood ay ka harsan tahay xiliga Doorashada, taasina ay tahay sababta ugu weyn ee kiiska loo hortaagan yahay.

25160cookie-checkMa Dhabaa In Villa Somalia Ay Culeys Ku Saartay Maxkamadda Sare