Share the post "Ururka ONLF oo Eedeyn Heshiis ka bax ah u Jeedisay Maamulka Abiy ee Ethiopia.."
Qoraal ay soo saareen Ururka ONLF ku sheegay in Maamulka Abiy ee Ethiopia uu jebiyay heshiiskii nabadeed ee 2018 ay kala saxiixdeen, iyagoo xusay in si nidaamsan u caburineyso ka-qaybgalka Siyaasadeed ee Soomaalida, islamarkaana ay sii xoojisay go’doomin siyaasadeed iyo mid dhaqaale..
Hogaanka Ururka oo heshiiskaasi u saxiixday iney soo afjarto kacdoonkii hubeysnaa ee tobannaan sano ka socday Degaanka Soomaalida Ethiopia, waxeyna qoraalkeeda ku xustay in Maamulka Abiy ee Addis abeba ay ku guuldarreysatay fulinta qodobbadii ugu muhiimsanaa ee heshiiska, iyadoo laga horistaagay aqoonsiga sharci ee ONLF iyada oo loo marayo Guddiga Doorashooyinka Qaranka, diiday dib-u-heshiisiinta dagaalyahannadeedii hore, islamarkaana ay si khaldan u adeegsaday magaca ururka shirarka caalamiga ah iyada oo aanay jirin wax matalaad dhab ah.

Qoraalka digniinaha xambaarsan ee ONLF ayaa sii xoogeysatay kadib markii Taliyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Qaranka Ethiopia, oo ka soo jeeda Qowmiyada Oromada lagu eedeeyay inuu ONLF ku tilmaamay “cadaw” Ethiopia ah, islamarkaana uu ku andacooday in kooxdaasi horey taageero uga heshay Egypt, Hadalkaan, oo lagu baahiyay barta Ethio-Forum 8-dii Septembar 2024, ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada.
ONLF ayaa ugu baaqday dowladda Itoobiya inay si degdeg ah u caddeyso arrintaasi islamarkaana ay ka laabato hadalladaas, iyada oo digtay in hadalladaasi ay halis gelinayaan heshiiskii nabadeed ee 2018.