Dadka uu Soo Ridanaayo Cudurka Busbuska Danyeerka oo ka Korortay Aduunka

World

Waxaa Dalalka Aduunka ku soo faafaya Cudurka halis ah oo safmareen, kaasoo durbadii laga dareemay Dalal badan, iyadoo Hay’ada Caafimaadka Adduunka”WHO” ay xaqiijisay in 780 kiis oo nooca busbuska daanyeerka laga helay waddammada aan inta badan laga helin fayraska…

Tiradan ayaa waxay qiyaas ahaan saddex jibaaran tahay 257 kiis oo ay sheegtay hay’adu toddobaad ka hor, WHO ayaa sheegtay in tirada saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay -ay aad u badan tahay mid aan la dhayalsan karin. balse heerka qataraha caalamiga ah ay ka tahay dhexdhexaad.

Caadi ahaan infekshanku waa mid fudud, laakiin tani waa markii ugu horreysay oo uu si weyn ugu fido meel ka baxsan Bartamaha iyo Galbeedka Afrika, WHO waxa ay sheegtay in kiisas laga helay 27 waddan oo aan markii horeba “ku dhicin” – taasoo la macno ah meelo la filayo in laga helo.

Virus-kaan busbuska Danyeerka ayaa waxaa la xaqiijiyay in laga helay Dalka UK bishii May Sanadkaan wax yar kadibna wuxuu ku faafay Dalalka Spain Portugal iyo USA, iyadoo laga digay in Cudurkaan si fudud uu ku faafi karo, waxaana loogu baaqay dadka uu ku dhacay ineysan guryahooda ka soo bixin.

193080cookie-checkDadka uu Soo Ridanaayo Cudurka Busbuska Danyeerka oo ka Korortay Aduunka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com