Share the post "USA Oo Badaleysa Siyaasadeedii Taageerada Amniga ku Dhisneyd ee Qaarada Africa & Sababta.."
Maamulka Washington ayaa lagu wadaa inuu bedelo Siyaasadoodii ku dhisneyd ka taageerida Qaarada Africa xoojinta Amniga, Dowlad wanaaga iyo ka qeyb qaadashada howlgalada kooxaha Argagixisada, iyadoo soo saaray Go’aano ah iney isku tashtaan Dalalka Qaarada Africa..
Xarunta Libaaxa Afrika, oo ah fariisin tababbarada wadajirka ah ee ugu weyn Qaaradda ayaa lagu wadaa in la xiro, iyadoo isbeddelkaani uu fariin cad yahay Dowladaha Africa, “Waxaan u baahannahay inaan awoodno inaan gaarsiinno la-hawlgalayaasheenna heerka hawlgallada madaxbannaan,” ayuu Gen. Michael Langley ku sheegay wareysi uu siiyay Associated Press.
Muddo afar toddobaad ah, Ciidamo ka kala socda in ka badan 40-Wadan oo tababato lagu siinaayay Xaruntaasi ayaa ka qeyb galayaasha loogu celcelinaayay sida looga hortago khataraha Cirka, Dhulka iyo Badda. Waxayna hagayeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyagoo ku ekaayeen dagaal afar-geesood ah oo ay ku rideen gantaalo uu dayax-gacmeedku hagayay saxaraha.
Go’aanka Isbedelkaan ayaa soo shaac baxay, iyadoo Taliska Ciidamada Maraykanku uu diyaarinaayo dhaqdhaqaaqyo lagu yareynaayo saameyntooda Qaarada Africa kadib markii Dalalka Russia iyo China ay Dalal badan oo Galbeedka Africa ay saameyntooda ku baahiyeen laga saaray Ciidamada USA iyo France, Dalalkaan oo xafiiltab adag kala dhaxeeyo Maraykanku sii wadaan inay sii xoojiyaan saameyntooda.